Weerarka ayaa ka dhacay Gobolka Helmand ee wadanka Afganistan kadib markii rag hubeysan ay weerar kusoo qaadeen fariisin ay lahaayeen ciidanka Booliska Gobolkaaso waxaana halkaasi ku geeriyooday 3 askari 3 kalana waxaa kasoo gaaray dhaawacyo.
Nicmatulaahi khan oo ah Guddoomiyaha Degmada Musaqala oo ah meesha weerarku ka dhacay ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen rag ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca iyo bambaanooyin wuxuuna intaasi ku daray in ciidankii goobtaasi joogay ay iska caabiyeen weerarkaasi.
Dalka Afganistan ayaa waxaa wali kasii socda dagaalada ay soo qaadayaan dagaalyahanada Al-Qaacida iyo Daalibaan kuwaas oo ka hor jeeda joogitaanka ciidamada Gaashaanbuurta Nato oo la filayo iney gabi ahaanba faarujiyaan wadanka Afganistan sanadka 2014.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com