Tartanka Qur’aan Aqriska oo ka bilowday Idaacda Risaala 3-Bishani Barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa Maanta uu ku soo idlaaday Xurunta Idaacada.
Tartanka ayaa waxaa iska kaa shaday in la qabto Idaacda Risaala oo sanadii labaad qabatay iyo Bankiga Salaam Soomali Banki oo dhanka abaalmarinada Barnaamijka bixinayey.
Ku dhawaad 80-arday oo da,doodu ka yareyd 13-sano ayaa barnaamijka intii uu socday ka soo qeybgalay kuwaa oo gudiga Barnaamijka 5-wareeg oo Maanta ugu dambeysay ku kala Saareen.
Ardaydii ugu dambeysay ee Nasiibka u yeeshay inay Maanta Finalka tartamaan waxaa ay gaarayeen Sadex oo u kala tartamay kaalmaha kowaad, labaad, iyo sedaxaad. Waxaana Natiijadii ardayda Maanta ku dhawaaqay Macalin Cabdiwali Yaxye Cali oo kamid ah Guddiga tartanka Quraan aqriska.
Agaasimaha Guud ee Shirkada Warbaahinta Risaala Maxamed Cabduwahaab C/laahi oo Gabagabada Tartanka ka hadlay ayaa sheegay in wax lagu daydo ay tahay in arday yaryar loo qabto Tartan Quraan Aqris ah Isaga hoosta ka xariiqay in sababta loo dadajiyay tartanku ay tahay in ardayda Abaalmarinadooda lasiiyo ka hor inta aan la gaarin ciida.
Agaasimaha Idaaca Risaala ayaa ugu dambeyn Shirkadaha dalka iyo Ganacsatada Soomaliyeed ugu baaqay in aan lala sugan tartamada Bisha Ramadaan oo kaliya laakiin loo baahan yahay in la qabto Bilaha kale maadaama xiisaha ardayda iyo dhageystayaasha ay u qabaan tartanka quraan Aqriska uu sii kordhayo.
Ardayda Maanta tartantay oo dareenkooda ka hadlay ayaa si isku mid ah u sheegay inay ku faraxsan yihiin kaalmaha ay ka galeen tartankaani .
Gudiga Tartanka Quraan Aqriska ee Shirkada warbaahinta Risaala ayaa iyana Sheegay in Tartankani intii uu Socday Ardaygii ugu Codka Macaanaa uu Noqday Ardayga ku guuleystay Kaalinta kowaad ee C/Maalik Bakaal Diiriye iyaga oo Gudiga sida ay shegeen ku Qiimeyay daganaanta iyo Macaanida uu watay Codkiisa.
Waxaa lagu wadaa Maalmaha soo aadan in la qabto xaflada Gabagabada Tartanka Qur’aan aqriska iyadoo oo Masuuliyiinta Bankiga Salaam ee Maalgalinya ay sheegeen in la doonayo ardayda inay kaga faaii”deystaan ama ay waalidiintooda kula ciidaan farxada.
Daawo Sawirada
.JPG)