Tuesday August 07, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Dowlada Iiraan ayaa sheegtay in xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Baan Kiimuun uu iska dhega tiray baaq ay u dirtay Iiraan kaasoo ku aadana in Qaramada Midoobay cambaareyso afduubka loo geystay 48 qof oo reer Iiraan ah kuwaasoo lagu afduubtay gudaha wadanka Syria.

Martin Nasirky oo ah afhayeenka Baan Kiimuun oo la weydiiyey in arintaasi Qaramada Midoobay jawaab ka bixinayso ayaa ku gaabsaday in arinta la xiriirta lahaystayaasha Iiraan aysan hada miiska saarneen.

Dowlada Iiraan ayaa cabasho Qaramada midoobay ka geysatay mucaaradka Syria oo ay ku eedeysay inay afduubteen muwaadiniin u dhashay Iiraan kuwaas oo cibaado u tagay wadanka Syria.

Mucaaradka Syria ayaa ragaasi ku eedeyay inay ka tirsanaayeen ciidamada ilaalada Jamhuuriyada islaamiga ah ee Iiraan waxayna sheegeen mucaaradku in ragani ay doonayeen inay ka garab dagaalamaan ciidamada dowlada Syria.

Wararka laga helayo gudaha Syria ayaa sheegaya in 3 kamid ah lahaystayaashaas la dilay.

Falaagada ayaa wacad ku maray iney qaarajin doonaan inta kalane hadii aan la joojin duqeynta kasocota magaalada xalab ee wadanka Syria.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA