Munaasabadani oo hada ka socota huteelka City Plaza ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa inuu isku soo sharaxo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas.
Goobta xaflada ay ka socota ayaa waxaa ku sugan qaar kamid ah golaha Wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya masuuliyiin ka socota qaar kamid ah maamulada ka jira dalka sida Puntland,Ahlusuna iyo sidoo kale marti sharaf kale.
Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale ka qeybgalaya kuwaasi oo goobta ka hadlay islamarkaana sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu u qalmo madaxtinimda dalka.
Boorar ay ku xardan yihiin ereyo kala duwan islamarkaana uu ku dhagan yahay Sawirka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa goobta yaala.
Ilaa hada waxaa socota qudbado kala duwan oo ay jeedinayaan madaxda ka qeybgaleysa xaflada.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu goobta ka hadlo goordhaw islamarkaana uu shaaca ka qaado inuu yahay musharaxa Madaxtinimda dalka.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com