Dhalinyaradan maanta isugu yimid Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadlleen Doorka da’yartu ay ku leeyihiin hanaanka siyaasadeedeed ee xilligani uu marayo Dalka. Sidoo kale waxa ay ka hadleen xubnaha dowladda ay ku leeyihiin dhalinyarada iyagoona sheegay in ay ku qadsanyihiin xubnaha dowlada iminka jirta iyo tan lagu wado in lasoo dhiso .
Dhalinyaradan oo u badnaa kuwo wax ka barta Jaamacadaha ka jira Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Dhalinyaradu ay yihiin Lafdhabarta iyo horumarinka Dalka.
Waxaabna ay shaaciyeen in ay u baahan yihiin in loosoo celiyo siday sheegeen Xubintii ay ku laheeyeen Bulshada dhexdeeda
Waxaana ay sheegeen in la xaqirayo magacooda oo an la shaacin taasina ay tahay mid cadaaladda ka fog loona baahan yahay in waxlaga qabto sidoo kale waxa ay sheegeen in aaney hilin xubinnimadii ay kulahaayeen Dowladda Soomaaliya iyagoo soo hadal qaday in haweenku ay heleen %30 balse dhilinyaradu aaney helin xitaa %1 taasina ay tahay caadaalad darro .
Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa markii dalka ay ka dhaceen Dagaaladii sokeeye waxa ay u Qaybsameen qaar ku waxyeelloobay Dhibaatadii dalka ka dhacday kuwa ka baxsaday dalka una bareeray Tahriib iyo qaar walli la tacaalaya xaalka dalka..
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com