Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Proff; Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku ammaanay Dowladda Kenya taageerada ay siiso Shacabka Soomaaliyeed ee iyagu u tahriib taga Wadamo ay ka mid tahay Kenya .
Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Dowladda Kenya ay tahay mid taageerta Shacabka
Soomaaliyeed is markaasina ay jiraan Dad ka tagay Soomaaliya isla markaasina u
tahriib tagay Kenyakuwaasi oo tira ahaan aan la soo koobi Karin.
Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa uu sheegay in DowladdaKenyaay Soo dhaweyn wanaagsan ay kala kulmeen Soomaalida ku sugan Dalkaasi taasina
ay tahay wax lagu ammaani karo KENYA Dadaalka ay arintaasi u gashay.
Waxa
uu tilmaamay Madaxweynaha in Dalka Kenyaay ku nool yihiin Dad badan oo Soomaali
ah islamarkaasina waxaa uu sheegay in uu uga mahad celinayo waxyaabihii ay Kenyau qabatay Dadkaasi.
Waxa
uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in Shacabka Soomaaleed ay haatan ogaadeen in
ay san u furneyn Waddo kale oo aan ka aheyn in ay qaataan Nabadda isagoo
tusaaleahaa u soo qaatay Fulinta Road-mapkawaxaana uu sheegay in uu bilaawday isbadal Cusub ee uu Dalku yeesho sida
in la Dhiso Baarlamaan ka duwan kii hore.
Waxaa
uu ka dhawaajiyay in dhawaan uu soo dhisi doono Ra’Isul Wasaarahe uu dalku
yeesho sidoo kale waxaa uu sheegay in uu
ugu mahad celinayo Wadamada Deriska ah IGAD
iyo Beesha Caalamka taageerada ay siiyaan Shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha
cusub ee Soomaaliya waxaa dhawaan laga sugayaa in uu soo Magacaabo Ra’Isul Wasaare
uu yaasho Dalka .