Waxaa Xaalad cabsi ah ay soo wajahday Soomaalida ku Nool Dalka Kenya kadib markii Ciidamada Dalkaasi ay baaritaanno ka bilaabeen Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.
Wararka waxa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay baaritaanadaasi ku soo qabqabteen Walxaha Qarxa sida Bambooyinka gacanta iyo sidoo kale Miinooyin kuwaasi oo laga soo helay qaar kamid goobihii ay baaritaanadasi ka sameeyeen .
wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidamada ay Xaafadda Islii ay u baarayaan Guri guri isla markaasina ay arintaasi ka dambeysay kadib markii sida ay Sheegeen ciidamada loo soo farmuqay
Howlgalka ayaa ah mid wali ka soconaya Magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii oo ay ku hareerey sanyihiin Ciidamada la dagaalanka Arga gixisada ee Dalkaasi Kenya .
Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalkaaasi Kenya ayaa cabsi xoogan soo wajahday ka dib markii ay halkaasi isku soo gadaameen Ciidamada Kenya oo baaritaano xoogan ka wada halka ay Soomaalidu ku badan tahay waxaana Xabsiga loo taxaabay laba kamid ah dhalin yarada Soomaalida ah ee ku nool Dalkaasi .
Kenya waxa ay ka mid tahay Dalka ay ku Noolyihiin Soomaalida ugu badan ka haajiray Dalka kuwaas oo dhibaatooyin kala kulma Xilliyada qaar Ciidamada Dalkaasi taasi oo ku aadan in markii ay wax ka dhacaan dhibaatada ugu weyn ay la kulmaan Soomalida ku dhaqan Dalkaasi
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com