Banaanbaxani lagu taageerayay Madaxweynahya cusub ee Soomaaliya laguna soo dhaweynayay Isbadalka Cusub ee uu Dalku galay ayaa Maanta waxa u ka dhacay Deegaanka Gubadleey ee Duleedka Magaaalada Muqdisho. Qaar kamid Dadka Deegaanka Gubadleey iyo Maamulka Degmada Heliwa ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Proff: Xasan Sheikh Maxamuud Guddoomiyaha Dagmada heliwaa Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa waxa uu sheegay in ay la shaqeen doonaan Madaxweynaha cusub Soomaaliya .
Sidookale qaar kamid ah Shacabka ku dhaqan deegaankaasi kana mida ahaa Dadkii Banaanbaxa dhigayay ayaa waxa ay soo dhaweeyeen Madaxweynaha cusub ee soomaaliya waxa ay sheegeen in Madaxweynaha laga doonayo in uu noqdo mid ka Samatabixiya Umaadda Soomaaliyeed Xaaladda Adag ay ku jiraan .
Dadka maanta Bananabaxyada ka dhigayay Gudabadleeya waxaa ay ku qeylineen erayo ay ku muujinayaan sida ay u taageerayaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya .
Tan iyo markii ladoorat Madaxweynaha Cusub waxaa soo badanayay Banaanbaxyada iyo Taageerada ay u muujinayaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool Gudaha Dalka iyo sidoo kale Dalka Dibaddiisa.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com