Iyadoo dhawaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dawladda ay gaareen deegaano katirsan Gobolka Shabeelada Hoose ayaa Saraakiil Uhadashay Ururka Al-shabaab waxay sheegeen in Magaalada Marka ay gacan ku heynteeda Xilli walbo ay la wareegi karaan waxii ay doonaana ka fuliyaan.
Shiikh Maxamed Abu Cabdalla Gudoomiyaha Al-shabaab ee Shabeelada Hoose ugu Magacaaban ayaa sheegay in Qaraxyo ay ka fuliyaan Gudaha Magaalada Marka iyo halka loo yaqaano Ceel Jaalle Weerarro qorsheysan waqti walbo ay ku qaadaan.
Gudoomiyaha Magaalada Marka ee Dawladda Axmed Macalin Cabdi raxmaan oo lahadlay Idaacada Risaala ayaa beeniyey in falal ammaan darro ah ay Ururka Al-shabaab ka sameeyaan Magaaladaasi waxaase uu qiray in weearro ku dhufo ka dhaqaaq ah ay mararka qaar ka sameeyaan Gudaha Marka.
Axmed Macalin Cabdi raxmaan ayaa xusay in magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada Hoose in ay ahayd meeshii ugu badneyd ay Shabaabku sida weyn Udeggenaayeen islamarkaana ay ku adag tahay inay Xakameeyaan Dadka ku dhaqan Magaalada maadaama aysan kala aqoon Qolyaha Falalka amni daro wada.
Dhowr jeer Magaalada Marka iyo Deegaanka Shalaanbood waxaa ka dhacay iskahorimaadyo khasaaro geystay oo dhexmaray Ciidamada Dawladda iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Ururka Al-shabaab oo weerar ku qaaday fariisimahooda.
27-kii Augusto 2012 ayey ahayd markii Dagaallo waqti kooban qaatay ay Ciidamada iskaabaya kula wareegeen Magaalada Marka iyo Deegaanada ku dhaw dhaw waxaana xilligaasi wixii ka dameeyey uu ahaa jawiga mid Qaraxyo ay kusoo badanayeen Deegaanada Gobolka Shabeeda Hoose qaarkood.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com