Wararka ka imaanaya Magaalooyinka Kismaayo iyo sidoo kale Buulo Barde oo kaka kala tirsan Jubadda Hoose iyo Gobalka Hiiraan ayna maamulaan Ururka Al-Shababa ayaa waxa ay sheegayaanin halkaasi uu ka dhacay Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo Aflagaadadii loogeestay Nabi Muxumed NNKH.
Dibadbaxa ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Al-Shabaab ee Gobalkaasi kuwaasi oo isugu soo baxay beerta xuriyada ee Magaalada Kismaayo.
Dadweyne aad u cadheysan islamarkaana ka xun aflagaadada Nabiga loo geestay ayaa isugu soo baxay beerta xuriyada kuwaasi oo muujinayey dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin aflagaadada Nabiga loo geestay.
Madaxa Dacwada ee Ururka Al-Shabaab Gobalada Jubooyinka Sheekh Maxamed Haajir oo galabta dadweyne badan kula hadlayay Magaalada Kismaayo ayaa muujiyay dareen uu aad uga xun yahay sida aflagaada loogu geestay Nabi Muxamed NNKH.
Sidoo kale dibadbax kaasi lamid ah ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Buulo burde ee Gobalka Hiiraan iyo Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug halkaasi oo sidoo kale dadweyne badan ay isugu soo baxeen.
Dhanka kale Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo kamid ah culimadda Soomaaliyeed sida weyna looga yaqaano Magaalada Muqdisho oo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay inay tahay arin aad ufool xun in Nabiga NNKH aflagaado loo geesto.
Wuxuu sheegay in Nabiga NNKH aflagaado loo geesto aysan waxba ka dhibeen maadaama Nabiga NNKH ha ahaate allah uu karaame yeelay.
Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif ayaa wuxuu sheegay in arintani ay tahay mid dhowr mar soo noqotay loona baahan yahay in islaamka meel kasta oo ay joogaan ay ka dhiidhiyaan ayna dhigaan dibadbaxyo arintaasi looga soo horjeedo.
Nin aan heysan Diinta Islaamka oo u dhashay dalka Mareykanka asal ahaana kasoo jeeda Yuhuuda ayaa saddex maalin ka hor filin uu soo saaray wuxuu ku aflagaadeeyay Nabigeena Muxamed NNKH kadib markii uu soo saaray filinka.
Dalalka Islaamka ayaa qaarkood ayaa maanta waxaa ka dhacay Dibadbaxyo arintaasi looga dhiidhinayo islamarkaana looga soo horjeedo aflagaada ninkaasi uu u geestay Nabi Muxamed NNKH.
Sanadkii 2008 ayeey aheyd markii nin udhashay dalka Denmark uu soo saaray sawir gacmeed uu ku tilmaamaayo Nabi Muxamed NNKH taasi oo dhalisay dibadbaxyo waaweyn oo ka dhacay dalalka islaamka iyadoo ugu dambeyn la dilay ninkaasi.
Dadka Islaamka ah ee ku nool aduunka dusheeda ayaa waxaa looga baahan yahay inay aad uga dhiidhiyaan falalka caynkan oo kale ah oo Nabigeena Suuban NNKH lagu aflagaadeenaayo.
Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaan maanta si weyn looga muujin sida looga xun yahay aflagaagdada Nabiga loo geestay.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com