Saturday September 15, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Xilli ay sii kordhayaan dhibaatooyinka loo geesto Soomaalida ku nool dalka South Afrika ayaa war kasoo baxay dowladda South Afrika waxaa lagaga digay in aan la dhibaateyn karin dadka ajaanibta ah ee ku sugan dalkaasi.


Arintani ayaa ka dambeysay kadib markii golaha wasiirada dalka South Afrika ay yeesheen kulan xasaasi ah oo looga hadlaayo dhibaatada loo geesto dadka Ajaanibta ah ee ku sugan dalkaasi.

Wariye Maxamed Muuse Nuur oo ku sugan dalka South Afrika ayaa u sheegay Idaacada Risaala inay jiraan dhibaatooyin badan oo dadka Soomaalida ah ay la kulmaan hayeeshe kulan ay isugu yimaadeen masuuliyiinta dalka South Afrika arintaasi looga hadlay.

Wuxuu sheegay in dhibaatooyin kala duwan dadka ajaanibta ah ee ku nool dalkaasi ay la kulmaan islamarkaana ay kamid yihiin Jirdil,Dhac,Dhaawacyo iyo waxyaabo badan oo kale.

Dalka Souuth Afrika ayaa waxaa kunool dad badan oo Soomaali ah iyo sidoo kale ajaanib kuwaasi oo dalkaasi u tagay inay ka shaqeeystaan hayeeshe dhibaatada ugu badan dalkaasi loogu geestay dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalkaasi.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA