Saturday September 15, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ciidamada ammaanka ee Masar ayaa toogtay mid ka mid ah dadka sameynayay dibadbax ay kaga soo horjeedaan filimkii aflagaadada loo geystay Nabi Muxamed NNKH.


Ciidamada ammaanka ee magaalada Qaahira ayaa rasaas ku furay dad ku dibadbaxayey afaafka hore ee safaarada Mareykanka ee ku leedahay Dalka Masar taasi oo sababtay in uu ku dhinto mid kamid ah dadkii banaan baxayey oo da,dii lagu sheegay 35 sano jir
sidoo kale rasasta ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen dad kale.

Boqaaal ka tirsan shacabka Masar ayaa sii wado dibadbaxa ay kaga soo horjeedaan aflagaadadii foosha xumeed ee loo geystay Nabi Muxamed NNKH kuwaasi oo wali buux dhaafiyay goobaha fagaarooyinka ee ku yaala dalka Masar gaar ahaan fagaaraha taxriir oo dad badan isugu soo baxeen.

Dibadbaxayaasha Iran, Sudan, Masar Yamen Tuniisiya iyo wadamo badan oo ka tirsan Islaamka ayaa wali waxaa ay ka socdaan dibad baxayaasha lagu dhiidhinayo filimka oo uu soo saaray Nin Mareynkan ah balse asal ahaan ka soojeedo yahuuda.
Xoghaya difaaca Mareynkanka ee Leon Panetta ayaa ugu baaqay dhigiisa Masar General Abdal Fataah Al-Sisi inay xaqiijiyaan amaanka diblomaan siyiinta Mareynkanka ee jooga Masar.



 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA