Dibadbaxyada ka dilaacay guud ahaan dunida Muslimka ayaa saakay galay maalintii shanaad, iyadoo carada dadka ay ka qaadeen filim Islaamka loogu gefay oo la soo dhigay internetka ay sii kordheyso.
Laga soo bilaabo dalka Masar, Sudan, ilaa Yemen , dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa isku hareereeyay, safaaradaha Mareykanka iyo xulufadiisa iyagoo dhaleeceynaya filimkaasi iyo dadka ay u arkaan inaysan talaabo ku filan ka qaadaan sidii ay u horjoogsan lahaayeen.
Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyada jimcihii shalay.
Dibad-baxyadii ugu xooganaa ee rabshadaha watay ayaa shalay ka dhacay caasimadda dalka Sudan ee Khartoum, halkaas oo dad caraysan oo isugu soo baxay jidadka ay isku dhaceen Booliska, kadib markii ay ku dhawaadeen safaaradaha Mareykanka, Britain, iyo Germany.
Goob joogayaasha ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof oo ka mid ah dibadbaxayaasha lagu dilay banaanka safaaradda Mareykanka.
Ugu yaraan qof kalena waxaa lagu dilay dibadbaxyo iyana ka dhacay waqooyiga Lebanon, kuwaas oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen 25 qof.
Dalka Tunisiyana mudaaharaadayaashu waxey weerareen oo ay dab qabadsiiyeen, dhismaha safaaradda Mareykanka.