Iskusoo baxani ayaa wuxuu ahaa mid lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya ee dhawaan xilka ku guuleestay.
Banaanbaxa ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir waxaana soo qaban qaabiyay maamulka Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir.
Goobta iskusoo baxa uu ka dhacayay ayaa masuuliyiinta ka hadashay waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Degmada Shangaani Cali Hamari kaasi oo sheegay in Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya looga baahan yahay inuu la yimaado cadaalad oo uu dalka ku dhaqo.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan kaasi oo sheegay in ujeedka ka dambeeya dibadbaxa maanta uu yahay in shacabka ay muujiyaan dareenkooda ku aadan taageerada ay u hayaan Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho ay u oomanaayeen inay helaan isbedel dhanka hogaanka ah oo ku aadan dalka Soomaaliya.
Tan iyo markii dalka Soomaaliya hogaankeeda uu ku guuleestay Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa isa soo taraya hambalyada loo jeedinayo Madaxweynaha cusub inkastoo aan la ogeyn wax qabadka uu la imaan doono.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com