Madaxweynaha wadanka Mareykanka Barrack obama oo ka hadlayey munaasabada baroor diiq loogu sameynayey safiirkii Mareykanka wadanka Liibiya Christopher Stevens iyo 3 kamid ahaa shaqaalaha safaarada Mareykanka oo lagu dilay qunsuliyada Mareykanka ee kutaala magaalada Banqaasi ee Bariga wadanka Liibiya.
Madaxweyne Obama oo ay wehlinayeen Madaxweyna ku xigeenka Mareykanak JOHN BIDEN wasiirka arimaha dibada HELLERY CLINTON, iyo Xoghayaha gaashaandhiga wadanka Mareykanka oo ka qeyb galayey munaasabada lagu soo dhaweynayey meydadka diblamaasiyiinta Mareykanka ayaa sheegay in falka lagu dilay shaqaalaha mareykank aysan waxba u dhimi dooninN hawlihii ay ka hayeen wadamada adduunka.
Madaxweynaha oo madaxa hoos u laalaadiyey markii lafeyday meydka shaqaalaha mareykanka oo uu ku duubnaa calanka wadanka mareykanka isagoo la hadlayey ehelada dablamaasiyiinta la dilay ayaa sheegay in Ragani ay ahaayeen geesiyaal qaran oo naftooda u huray difaacida qaranka meykanka,
Obama ayaa intaa kudar in 4 ruux ay ahaayeen dad jecel wadanka mareykanka go'aansadayna iney u adeegaan, wuxuuna sheegay iney ku dhinteen ballan qaadkoodii ahaa iney u dhintaan u adeegida dowlada iyo dadka mareykanka.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com