Waxa ay ku Nooshahay guri dhismo ahaan iIla muuqday mid ay saameyn ku yesheen Dagaaladii ka dhacay Dalka adiga oo meelaha qaar ku Arkaya Burbur iyo Dhismaha Guriga oo ad u Duqoobay.
Da,deeda waa 9-Sano jir Magaceedu waa Qadro Daahir Maxamed waxaa Xilligaasi lajoogay Abaheed oo ii sheegay inay jiraan Caruur kale oo uu kaga soo tagay Dhul mii ah oo ka tirsan Gobolka Mudug.
Dareen ahaan waxa uu u muuqday mid kaniyad Xun Xaaladda Gabadhiisa Yar ee Xanuunsan Xaaladeedana uusan waxba ka qaban Karin.
Gabadha Yar ee Xanuunsaneysa Muuqaal ahaan waxa ay ila muuqtay mid Mudo dhul yaal aheyd maxaa yeelay waxaa Jirkeeda iiga Muuqanayey Calaamado Muujinaya inay tahay Qof muddo Sariir saarnaa.
Xanuunka Qadro ayaa ah mid Saameeyey dhamaan Qeybaha kala Gadisan ee Jirkeeda Iyada oo Xitaa aysan Awoodin inay wax Aragto waxaa Sidoo kale intaa u dheer in Madaxeeda uu Yahay Muuqaal ahaan mid Weyn oo Xitaa Dadka Qaar aysan Aamini Karin inuu yahay Madax Sida Abaheed uu iisheegayna waxaa Madaxa kaga jira Biyo
Waxaa Sidoo kale ay Baralees ka tahay Dhibane Qadro oo ah Gabar 9-sano jir ah Gacmaha iyo Lugaha oo ay saameyn ku yeesheen Xanuunka dhanka Madaxa oo Dhaqaatiirtu ku macneyeen Sida waalidkeeda ay uu sheegayo Dhibaato kasoo Wajahday dhanka Neerfaha.
Xilliga aan Booqaneyey Hoygeeda waxaa la joogay Caruur kale oo iilamuuqday inay Walaalo ahaayeen iyo Abaheed Daahir Maxamed Guuleed oo iga Codsaday Marka hore In aan Xaaladdda Gabadhiisa Bulshada usoo bandhigo.
Ugu horeyn Daahir Maxamed Guuleed ayaa ii sharaxay Xaaladda Gabadhiisa iyo Waqtiga ay ku arkeen Xanuunkaan.
Abaha dhalay Gabadha Yar ee Xanuunsaneysaa ayaa waxaa uu sheegay inuu dhoor jeer la xiriiray Dhaqaatiirta Gudaha ee ku Taqusustay Arimahaan islamarkaana ay ku wargaliyeen in Xaaladdaan oo kale Dalka Gudihiisa aan waxba looga qaban Karin Gargaar dibada ahna ay u baahantahay Gabadhiisa Islamarkaana uusan isaga Awoodon inuu bixiyo Lacagahaasi lagu Qaadayo.
Inkastoo Warbixinta Qeybta kore aan kusoo xusnay Xaaladda Gabadhaan iyo Qaabka ay u Xanuunsaneyso ayaa waxa aan isku Dayey in aan Codkeeda Bulshada Maqashiiyo iyada oo u muuqata in ay maskax ahaan isku Dardarsantahay Hadaladedana ay yihiin kuwo is dhaxyaac ah.
Ugu Dambeyn Aabaha dhalay Gabadhaan yar ayaa ka codsaday Umadda Soomaaliyeed Madaxda Cusub ee Dalka Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka iyo dibadiisa Ku kala Sugan iyo Cid kasta oo Gargaar u fidin karta inay wax u qabtaan Gabadhiisa Yar ee Mudada 9-sano ah ka Xanuunsaneysa.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com