Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobalka Jubadda Hoose ayaa guulo ka sheegtay dagaalo xoogan oo shalay ka qarxay Gobalkaasi.
Aadan Axmed Xersi Rufle oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobalada Jubooyinka oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay inay la wareegeen deegaano horleh oo Ururka Al-Shabaab ay maamuli jireen.
Wuxuu sheegay in deeganada ay la wareegeen ay kamid tahay Deegaanka Beerxaane oo 50-Km ujira Magaalada Kismaayo iyo sidoo kale deegaanka Birtadheer oo shalay dagaal xoogan ay kula wareegeen.
Sarkaalkani ka tirsan saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobalada Jubooyinka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dagaaladaasi ay ku dileen askar badan oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Wuxuu tilmaamay in ku dhawaad 50 askari ay dileen sidoo kalena mid nool ay gacanta ku dhigeen sida uu sheegay,isaga oo sii hadlaya wuxuu carabaabay in dhankooda uu jiro khasaaro soo gaaray inkastoo uusan carabaabin.
Aadan Axmed Xersi Rufle ayaa ugu dambeyn ka gaabsaday xilliga ay qorsheynayaan gelida ama qabsashada Magaalada Kismaayo oo ay Al-Shabaab ku xoogan yihiin isaga oo taasi ku micneeyay inay tahay arin melatari.
Dagaalka Jubbooyinka ayaa noqday mid muddo socda islamarkaana ciidamada huwanta ah ee isgarabasanaya aysan ka gaarin horumar la taaban karo.
Majirto dhanka Al-Shabaab wax war ah oo kasoo baxay kaasi oo ku aadan guulaha ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sheeganayaan dagaalada.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com