C/raxmaan Yuusuf Raabi Guddoomiyaha Jaalliyada Soomaalida Koofur Africa oo la hadlay idaacada Risaala ayaa ka warbixiyay dhacdo naxdin leh oo ka dhacday dalkaasi isagoo sheegay in hooyo Soomaaliyeed oo uur sagaal bilood ah siday inta la kufsaday kadibna la dilay.
C/raxmaan Raabi ayaa waxa uu tibaaxay in arinta ay ka dhacday magaalada Port Elizepeth ee dalka Koofur Africa iyadoo kooxo madow ah ay kufsadeen hooyada Soomaaliyeed kadibna dil ugeysteen sida uu sheegay Raabi.
Guddoomiyaha jaalliyada Soomaalida South Africa ayaa kaga digay gabdhaha Soomaalida guur-doonka ah inay usafrin dalkaasi sababo uu ku micneeyay dhibta safarka oo badan iyo nolol adag oo ku qabsata markay tagaan dalka Koofur Africa.
Waa markii labaad oo kufsi iyo dil la iskugu daro haween Soomaaliyeed gudaha dalka South Africa waxaana jirtay 2008-dii sidaan oo kale in isla magaalada Port Elizepeth hooyo seddex carruur ah heysatay inta la kufsaday la dilay.
Dalka South Africa ayaa waxaa dhibaatooyin kala duwan loo geestaa Soomaalida ku nool dalkaasi kuwaasi oo joogta ay noqotay dhibaatooyinka loo geesto.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com