Madaxweynaha maamulka lamagac baxay Soomaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka hadlayey goob uu dhagax dhigayey waxa uu ka sheegay in muhiim tahay caawimaada caruurta Agoonta ah ee aabahood ka geeriyooday.
Axmed Siilaanyo ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii ay ugarab qaban lahaayeen caruuta agoomaha ah ee ku nool deegaanada Soomaaliland waxaana uu intaa ku daray in dhismaha xarunta xanaaneynta caruuta aan aabaha lahayn isagoo sheegay in muhiimad gaar ah siin doonaan wax uqabashada carruutaasi.
Mashruuc lagu dhisayo xarun lagu xanaaneyo caruurta agoonta ah ayaa shalay dhismihiisa laga dhagax dhigay magaalada Hargaysa taasi oo hirgelineysa mashruucaasi dawlada Kuwait.
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa uga mahad celiyay dhismaha Kuwait ka sameyneyso magaalada Hargaysa kuna tilmaamay buqcad ay niyadooda ku wanaagsanaan doonto caruurta agoonta ah ee ku dhaqan Soomaaliland.
Mashruucan lagu dhisayo xaruntaasi ayaa waxa uu qaadan doonaa muddo sanad iyo bar ah waxaana ku bixi doona lacag dhan 6 million dollar ayna bixineyso qarashkaasi dawlada Kuwait.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com