Monday September 17, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Qaramada midoobay iyo dowlada wadanka Kenya ayaa sheegay in si wada jir ah ay u qabanayaan shir ay kaga hadlayaan dhibaatooyinka qaxootiga Soomaalida haysata gaar ahaan qaxootiga ku sugan gudaha Kenya.

Hayada Qaramada Midoobay laanteeda u qaabilsan qaxootiga Soomaaliya ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR wakiilkeeda u qaabilsan Soomaaliya Buruno Gedo oo lahadlayay warbaahinta Kenya ayaa sheegay inay wadaan qorsho ay ku doonayaan in wax ugu qabtaan dhibaatooyinka qaxootiga Soomaaliyeed haysta.

Qaramada midoobay iyo dowlada wadanka Kenya ayaa si wada jir ah kulan ugu yeelana dalka Kenya isbuuca soo socda kaasi oo ajandihiisa ugu weyn uu yahay sidii Isfahan iyo hormar buuxda looga gaari lahaa qorshaha hormarka qaxootiga soomaliyeed iyadoo laga faaideysana dowlada cusub ee soomaliya u dhalatay sidaa waxaa yiri buruno gedo oo ah wakiilka qaramada midobay u qaabilsan qaxootiga soomaliya.

Gedo ayaa sidoo kale sheegay in in qorshahn cusub uu dhaqan galayo sanadka cusub ee soo socda.waqtiga rasmiga ah waxa ay ku xiran tahay xaalada nabada soomaliya maxaa yeelay wali wadanka waxaa ka socda rabshadaha sida ay sheegeen hayada gargaarka UNHCR.

Dhawaan ayaa warbixin ay soo saareen qaramada midowbay waxa ay ku sheegeen in qaxooti aad u fara badan o soomaliyeed ay u baahan yihiin gargaar bini’aadanimo balse la gaarsiin Karin sababo laxariira xaga amaanka.

Waxa ay tusaale u soo qaateen magaalada kismaayo ay sheegeen in ay ka jiraan dagaalo kuwaasi oo sababay in dad badan ay ka barakacaan magaalada iyagoona beegsaday magaalooyinka iyo tuulooyinka ku teedsan magaalada ksiamaayo ee xarunta gobolka jubada hoose hadana dadkaasi ay u baahan yihiin gargaar ay helaan si gargaarkaasi loo helo waxa ay mas’uuliyiinta ugu baaqeen in sida ugu dhaqsiyaha badan in ciidamada dowlada soomaliya iyo Kenya ay gaaraan magaalado xeebeedka kismaayo.

Magaalada kismaayo waxaa ku yaala labo kaam oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo u baahan gargaar bini’adanimo leh biyo iyo baad.

Daagaalada ka soo cusboonaaday gobolada jubooyinka waxa ay sii kordhiyeen tirade barakacayaasha ka baxsanay kumaca rasaasta iyo hugunka madaafiicda.

Dadka barakacayaasha ayaa u qeybsamay labo qeyboodkuwo ku barakacay gudaha oomaliya iyo kuwo kale beegsanaya dowladaha dariska sida Kenya oo marti ay u yihiin kumanaan qaxooti ajanabi ah oo soomali ay u badan yihiin.




 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA