Monday September 17, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Goobta lagu dhaariyay qaar ka mid ah golaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland oo aheyd Magaalada Garoowe waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.

Wasiirada la dhaariyay ayaa dhamaantood ahaa kuwo lagu badalay wasiiro dhawaan uu xilka ka qaaday Madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

C/raxmaan Faroole oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa uu marar badan sameeyay isku shaandheynta golaha wasiirada wuxuuna sheegay in arintani ay qeyb ka tahay howlaha maamulkisa.

Wasiirada maanta la dhaariyay ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa lix wasiir kuwaasi oo ku dhaartay inay kasoo baxayaan waajibaadka loo xilsaaray.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Puntland uu isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah golaha wasiirada isagoo xilka ka qaaday qaar kamid ah golaha wasiirada.



 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA