Hogaamiyaha Ururka Xisbullaah ee ka dhisan Wadanka Lubnaan ayaa ku baaqay in lasameeyo Bannaanbaxyo Cusub oo lagu muujinayo sida ay Muslimiintu uga Xunyihiin Aflagaadadii loo geystay Nabi Muxamed NNKH . Xasan Nasrallah ayaa yiri waa in aduunyadu ay Ogaadaan Awoodda Muslimiinta iyo Cidda ay yihiin si aan mardanbe loogu Gafin Rasuulkeena CSW wuxuuna sheegay in arintaasi ay tahay mid aysan Muslimiintu marna Aqbali karin.
Shiikha oo u Waramayey Tv-ga Al-Mannar ee fadhigiisuyahay Magaalada Bayruud ee Dalka Lubnaan oo ah Televishin ay leeyihiin Dagaalyahanada Xisbullah ee uu hogaamiyo isagu, ayaa Taageerayaashiisa ugu baaqay ainey dhigaan Mudaaharaadyo Waa weyn oo lagu Cambaareynayo Filimkii laga soo saaray Wadanka Mareykanka.
Dibadbaxyada ayaa la sheegay iney Maanta oo isniin ah ka bilowdeen Koonfurta Magaalada Bayruud ee Caasimada Waddanka Lubaan oo ay gacanta ku hayaan Xisbullah.
Hogaamiyaha Dagaal yahanada Shiicada ee Xisbullah ayaa sheegay in Aflagaadani ay ahayd Middi ugu Xumeed ee Abid lagu Jaa'ifeeyo Nabigeena NNKH xitaa marka loo eego Sawiradii lagu qoray Wargeyka kasoo baxa Wadanka Denmark Sanadkii 2006
Shiikh Xasan Nasrallah ayaa sheegay iney Ciqaabi doonaan kuwii ka masuulka ahaa Filimka kuwii Gacanta kusiiyey kuwii soo Abaabulay iyo kuwa Taageeraya oo Mareykanku oo kamidyahay.
Xisbullah ayaa kamid ah Ururada Hubeysan ee Islaamiyiinta ah kuwaas oo Mareykanku ku daray Liiska Argagixisada ay doondoonayaan waxayna gacan saar Weyn la leeyihiin Wadamada Iiraan iyo Suuriya.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com