Maamulka Puntland ayaa ka hadlay soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya oo lagu wado dhawaan inuu soo magacaabo Madaxweynaha dalka Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka wasaarada dekadaha maamul Gobaleedka Puntland C/shakuuur Mire Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya loosoo magacaabayo inuu noqdo mid ku cusub maslaxa siyaasada dalka Soomaaliya.
C/shakuuur Mire Aadan ayaa dhanka kale sheegay inuu ugu baaqayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu keeno Ra’iisul Wasaare sidiisa oo kale saaxada siyaasada Soomaaliya ku cusub.
Wuxuu sheegay in aan loo baahneyn in dib loosoo celiyo rag xilal horay uga soo qabtay Soomaaliya balse sida uu sheegay aysan wanaagsaneyn taasi.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare ay yeelato Soomaaliya kaasi oo soo dhisa xukuumad dalka Soomaaliya ka hana qaada waxaana dadka indha indheeya siyaasada Soomaaliya iyo shacabka intaba ay u dhaga taagayaan qofka Ra’iisul Wasaare loosoo magacaabi doono.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com