Tuesday September 18, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Xilli maanta ay soo baxeen warar sheegaya in qarax uu ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay islamarkaana qaraxaasi lala eegtay ciidamada dowladda Ethopia ayaa arintaasi waxaa beeniyay maamulka dowladda ee Gobalkaasi.


Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay qadka tilifoonka kula xiriirtay Guddoomiyaha Magaalada Baydhabo ee Dowladda Soomaaliya Xasan Macalin Biikoole kaasi oo sheegay in wararka sheegaya in qaraxa uu ka dhacay Baydhabo ay yihiin kuwa been abuur ah.

Wuxuu sheegay Biikoole in websiteyada qaarkood lagu qorayay wararkaasi sheegaya in qarax uu ka dhacay Magaalada Baydhabo taasina ay tahay mid been abuur ah loona baahan yahay in warka la iska hubiyo.

Hadalkiisa ayuu intaa raaciyay in jawiga Magaalada uu yahay mid wanaagsan islamarkaana caqabad aysan ka taagneyn magaalada ciidamada dowladda Soomaaliya ay sameeyaan howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka Magaladaasi.

Hadalka Guddoomiyaha Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli warbaahinta qaarkood ay sheegeen in qaraxa uu ka dhacay Magaalada Baydhabo islamarkaana ciidamada Ethopia lala eegtay.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA