Xilli shalay wasiirka arimaha dibada dalka Kenya uu ka dhawaajiyay in qaraxii lagu weeraray Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku lug lahaa Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa arintaasi waxaa si kulul uga hadlay Shariif Sheekh Axmed.
Isaga oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay warka uu sheegay wasiirka arimaha dibada Kenya inuu yahay mid been abuur ah islamarkaana aysan waxba ka jirin.
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in xilliga dowladda Kenya wasiirkeeda arimaha dibada qadka tilifoonka uu kula hadlaaye uu kula hadlay arimaha doorashada iyo inay si cadaalad ah udhacdo.
Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladiisa wax badan ay soo qabatay islamarkaana dalka ammaan ay ka dhigtay.
Inkastoo qaraxii ka dhacay Hoteelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho ee lagu weeraray Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaliya labo maalin un kadib doorashadii dalka ka dhacday ay sheegteen masuuliyadiisa Ururka Al-Shabaab ayaa hadana wasiirka arimaha dibada Kenya wuxuu shalay warbaahinta usheegay in qaraxaasi uu ku lug lahaa Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Qaraxa Madaxweynaha Soomaaliya lagu weeraray ayaa waxa uu dhacay arbacadii aynu kasoo gudubnay xilli ay si wadajir ah warbaahinta shir ugu qaban rabeen wafuud kasocotay dowladda Kenya oo Muqdisho soo gaartay iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Qaraxaasi wuxuu ahaa nooca Ismiidaaminta ah oo labo ruux oo naftood hurayaal ah ay isku xireen waxyaabaha qarxa iyadoo mid kamid ah dadkaasi uu qarxay halka midka kalena la toogtay.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com