Tuesday September 18, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
C/kaafi Hilowle Cismaan Xoghaya maamulka Gobalka Banaadir ayaa wuxuu sheegay in dadka aan laheyn guryahooda ee dagan laga saarayo islamarkaana maamulka Gobalka Banaadir uu ku howlan yahay arimahaasi.


Wuxuu sheegay C/kaafi Hilowle Cismaan in maamulka Gobalka Banaadir uu wado qorshayaal dadka aan laheyn guryahaas dagan yihiin looga saaro islamarkaana dib loogu celinayo hantidaasi dadkii lahaa.

Xoghaya Gobalka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa inay dalka kusoo noqdaan islamarkaana ay ka qeyb qaataan dib udhiska dalka iminkana Muqdisho ay tahay mid nabad ah.

Hadalkan ayaa Xoghayaha Maamulka Gobalka Banaadir wuxuu ka jeediyay maanta xilli uu ka qeybgalaye xaflad lagu daah furaye xafiisyo cusub oo loo sameeyay maamulka Degmada Shibis.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay iminka tahay mid ammaan ah oo dadka Soomaalida ah ee dalka dibadiisa ku maqnaa ay dib dalka ugu soo noqonayaan.



 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA