Hadal ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay inaan waxba kajirin Hadal ay Al-shabaab ku faafiyeen Bogga Twitterka kaas oo ay ku sheegayeen in Ciidamada Kenya ay Soomaaliya Qabsadeen Ujeedadoodune ay yahay iney Gumeystaan Shacabka Soomaaliyeed. Kenya ayaa Warkaas ku tilmaantay mid Borobagaandho ah oo ay Al-shabab dooneyso iney ku Abaabulaan kacdoono ay sameeyaan Dadka Soomaaliyeed kaas oo ka dhan ah Wadanka Kenya.
Al-shabab ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay yihiin kuwo kusoo duulay Ciidda Soomaaliya loona baahanyahay in lala Dagaalamo si Dalka looga Xureeyo.
Afhayeenka Ciidamada Wadanka Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in Kenya aysan dooneen iney qabsato Dhulka Soomaaliya Ujeedka Ciidanka Kenyana uu yahay iney ku caawiyaan Shacabka Soomaaliyeed si ay markale usoo celiyaan Nabaddii iyo Xasiloonidii Wadanka Soomaaliya.
Wuxuuna ku tilmaamay Hadalka sheegaya in Kenya ay Damacsantahay iney Qabsato Magaalada Kismaayo ee Soomaaliya uu yahay War aan sal iyo Raadtoona lahayn wuxuuna ugu baaqay Soomaalida iney fahmaan ujeedka AMISOM oo Kenya ay ka qeyb tahay inuu yahay wax u qabashada Shacabka Soomaaliyeed.
Beeninta Kenya ayaa imaanaysa iyada oo ay isa soo tarayaa Wararka kusaabsan in Kenya ay usoo gashay Soomaaliya Dano Dhaqaale waxaana Wararku ay sheegayaan in uu jiro Hadaf ka duwan ladagaalanka Al-shabaab oo ay Kenya Wadato Warbixin lagu daabacay Wargeys ka faalooda Arimaha Shidaalka Caalamka ayaa Bishii Agoosto Daabacay in Dagaalka Kismaayo uu ku saleysanyahay rabitaan dhaqaale kadib markii la ogaaday in Xeebaha Kismaayo uu ku jiro Shidaal lagu qiyaasay 440 Trilyan oo Shidaalka Qeeriin ah kaas oo la sheegay inuu u Dhigmo Shidaalka ku jira Wadamada Nayjeeriya.Imaaraadka Carabta iyo Dalka Kuweyt. waxaana muuqda shiki badan oo ay qabaan Dad badan oo Soomaaliyeed oo ku saabsan Ujeedka Wadamada Deriska la ah Soomaaliya ee Ciidamada usoo diray Soomaaliya.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com