Tuesday September 18, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Qaraxa ayaa ka dhacay Duleedka Gagida Diyaaradaha Magaalada Kaabul ee Caasimada Wadanka Afgaanistaan waxaana lala eegtay Gaari ay saarnaayeen Shaqaale Ajaanib ah oo ka shaqeeya Diyaaradaha Ciidamada Naato ee ku sugan Wadanka Afgaanistaan.

Mohamed Zahir oo ah Taliyaha Danbi baarista Garoonka Kaabul ayaa sheegay in Dadka dhintay 8 kamid ah ay yihiin Ajaanib Halka ay inta kalane ahaayeen Afgaanistaaniyiin

Qaraxa ayaa waxaa sheegtay Koox Islaami ah oo lagu Magacaabo Xisbul-islaam waxaana sidaas xaqiijiyey Afhayeen u hadlay Kooxdaas oo lagu Magacaabo Haroon Zarghoon, wuxuuna sheegay in Qaraxaas ay fulisay Gabar 22 jir ah oo Wadatay gaari laga soo buuxiyey Waxyaabaha Qarxa taas oo lala beegsatay Gaariga ay saarnaayeen Shaqaalaha Rayidka ah ee Naato. arintan ayaa noqoneysa markii ugu horeysay ee Gabar ay isku Qarxiso Wadanka Afgaanistaan.



Taliyaha Ciidanka Booliska Magalaada Kaabul Gen. Mohammad Ayub Salangi ayaa sheegay in Qaraxu uu ahaa mid aad u xoogan, wuxuuna intaas ku daray in Qaraxa Qofka fuliyey uu isku Qarxiyey kaalin Shidaal taas oo sii xoojisay Awooda qaraxa.


Kooxda Xisbul islaam ayaa Hogaamiyaheeda Gulbuddin Hekmatyar iyo Xubno kale oo ka tirsan waxa ay heshiis la gaareen Dowladda Madaxweyne Xaamid karazaay waxaana jiro qaar ka biyo diiday heshiiska kuwaas oo sii wada Dagaalada ay kala horjeedaan Ciidamada Naato iyo kuwa Dowladda Afgaanistaan


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA