Wednesday September 19, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Arintan ayaa ka danbeysay kadib markii dowlada moscow ayaa ku amartay iney joojiso hawlihii ay ka waday guud ahaan dalka ruushka dowlada ruushka ayaa u qabatay hay'ada usaid iney dhamaan ku joojiso shaqooyinka ay ka hayso dalka ruushka ilaa 1 bisha october ee sanadkan.


hay'ada usaid ayaa dalka ruuska ka hawlgaleysay 20 sano ee lasoo dhaafay waxayna ku qarash gareysay lacag lagu qiyaasay 3 billion oo doolar kuwaas oo ay ku fulisay mashaariic badan oo ay kamid tahay meel marinta dimuquraadiyada oo mareykanku doonayo inuu aduunyada kale ka gado iyo mashaariic kale oo horu marineed.


bilowgii sanadkan ayey ahayd kadib markii qudbad uu jeediyey madaxweynaha ruushka Vladimir Putin uu ku sheegay banaanbaxyada lagu diidanaa inuu mar kale noqdo madaxweynaha dalka ruushka ay soo abaabuleen hay'ado aan dowli ahayn oo ay taageerayaan mareykanku mudaharaadyadaas oo hoos u dhac ku keenay dhaqaalaha ruushka.

haweeneyda afhayeenka u ah wasaarada arimaha dibada wadanka mareykanka Victoria Nuland oo ka jawaabeysa hadalka kasoo baxay ruushka ayaa sheegtay in mareykanku sii wadi doono taageerida Dimuquraadiyada, xuquuqda aadanaha iyo mashaariicda kale ee la xiriira arimaha bulshada ee ay ka wadaan dalka ruushka

hay'ada USaid ayaa ka shaqo bilowday dalka ruushka kadib burburkii dalweynihii midowgii soofiyeeti waxayna ka waday dalka ruushka hawlo lagu kaalmeynayo sare u qaadida caafimaadka, deegaanka iyo bulshada raiydka ah ee dalka ruushka waxaana sanadkan oo kaliya ay ku qarash gareysay 50 milyan oo doolarka mareykanka ah


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA