Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Bankimoon ayaa mar uu ka hadalaayay dhibaatooyinka dagaal ee ka taagan Siiriya waxa uu sheegay in xalka siiriya uusan u baahneyn xoog malitari oo lagu maquuniya balse waxa uu sheegay in loo baahan yanay wada hadal labada dhinac ee dirirtu u dhaxeysa in miiska wada hadalka la soo fariisiyo.
Bankimoon ayaa sidoo kale in dowlada Siiriya ciidamadeeda ay maalin waliba wadaan dhibaateynta dadka rayidka taasina waxa uu ku tilmaamay mid bini’aadanimo ka bax loona baahan yahay in waxa laga qabto.isagoona labada dhinac ugu baaqay wada hadal siyaasadeed.
waxa uu sheegay xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Bankimoon in dagaalada ka socda Siiriya ay sii socdaan gaar ahaan waxa uu tilmaamay in haatan dagaalada xoogooda ay ka socdaan magaalooyinka caasimada Dimishiq iyo magaalada labaad ee Alepo.
ugu danbeyntii Bankimoon ayaa Bishaar Al-Asad Madaxweynaha Siiriya ugu baaqay in ciidamadiisa daacad u ah ay joojiyaan dagaalada iyo duqeymaha ay ku garaacayaan goobaha dadka rayidka.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com