Thursday September 20, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wasiirka Arimaha Dibadda Iiraan ayaa la kulmay Madaxweynaha Dalka Siiriya Bishaar Al-asad isagoona ugu baaqay wadahadal si loo joojiyo Dagaalada iyo Duqeymaha Dhiigga badan ay ku daadaayaan ee u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Siiriya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.
Wasiirka Arimaha Dibadda Iiraan Ali AKBAR Salehi oo booqasho ku jooga Dalka Siiriya ayaa waxa uu timaamay mar uu ka hadalayay sida ugu haboon ee xal kama danbeys ah loogu heli karo Siiriya inay tahay in Madaxweynaha Wadanka Siiriya uu ugu baaqoyo in Ciidamadiisa Daacad u ah ay joojiyaan Dagaalada ay ku qaadayaan goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Mucaaradka ee Dalkaasi iyo sidoo kale Madaxweyne Bishaar Al-asad haddii ay Macquul tahay uu xilka isaga dago madaama Mucaaradka ka biyo diidan yihiin in uu Xilka sii hayo Bishaar Al-asad.

Mr Salehi ayaa ugu danbeyntii ka codsaday Labada dhinac in la joojiyo Dagaalada.isagoona intaasi ku daray in haddii labada dhinac ay joojiyaan Dagaalada ay taasi suurta gal ka dhigeyso in Dadka ka Barakacay Dagaalada ee ku Barakacay Gudaha Dalkaasi la gaarsiiyo Gargaar Bini’aadnimo.

Hadalka baaqa ku aadan Xal u raadinta Nabada Siiriya ee ka soo baxay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Siiriya ayaa imaanaya iyadoo Wasiirkaasi Dalka Siiriya uu u joog sidii xal loogu heli laha Qalalaasaha ka taagan Dalkaasi.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA