Friday September 21, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Maxkamad ku taallo Dalka Kenya maanta oo khamiis ah waxa ay xukun 59-sano oo Xarig ah ku riday nin u dhashay Dalka Soomaaliya, kaasoo qirtay in uu ka mid yahay Al-Shabaab Soomaaliya ee xiriirka la leh Al Qaeda.
Cabdi Maajid Yaasin oo 26-Sano jir ah ayaa lagu xiray Toddobaadkii hore Caasimada Kenya ee Nairobi kaddib markii uu ka Daganaa Xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii laga helay Hub iyo wax yaabaha Qaraxa oo aad u badan.

Mr. Yaasin ayaa Maxkamadda ka hor qirtay 10-Dambi oo ka mid ah wax yaabaha lagu soo eedeeyay oo ay ka mid yihiin weeraro iyo Qaraxyo uu ka geesto Gudaha Kenya, sidoo kale waxa Maxkamadda ku heshay Dambi ah in uu Dalka Sharci daro kusoo galay.

Qofka kale ee lagu soo xiray Howgalka Ciidanka Booliska ayaan qiran wax dambi ah maadama ay isku Dacwada ahaayeen Ninka la xukumay.

Toddobaadkii hore ayaa Booliska waxa ay sheegeyn in ay Aaminsan yihiin Cabdi Maajid in uu yahay Qofka sitay wax yaabaha Qaraxa ee laga helay Islii Nairobi, laakiin wax faah-faahin ah ma bixin xilligaas.

Ammaanka dalka ugu dhaqaalaha badan Bariga Africa ayaa aad loo adkeeyay tan iyo wixii ka dambeeyay markii Ciidamo ay u direen Soomaaliya, kuwaasoo hadda dagaallo kula jira Al-Shabaab oo labo Weerar Sannadkii 2010-ka ku qaaday Dalka ay Dariska yihiin ee Uganda.

Safaaradaha Reer Galbeedka ee Kenya ayaa ka Digtay Weeraro lagu qaado Nairobi Sagaalkii bilood ee ugu dambeeyay.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA