Afhayeenka Guud ee Xoogagga Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” ayaa waxa uu kahadlay Qarixii ismiidaaminta ahaa ee Gelinkii danbe ee shalay kadhacay Maqaaxi laga Shaaho taasi ku taal Guriga Hooyooyinka Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho. Isagoo lahadlaayay Wakaalada wararka ee AFP ayaa waxa uu sheegay Cali Dheere in ay fuliyeen dad taageerayaashooda ka mid ah oo ka careysan Xaalada Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Waxaana uu hoosta ka xariiqay Cali Dheere in aysan Weerarkaan Ismiidaaminta ahaa aysan Amrin sida uu sheegay kooxda Al-Shabaab in lafuliyo.
Inkastoo Wabseedyada ku hadla Afka Kooxda Al-Shabaab ay sheegayaan in la weeraray sida ay sheegeen goob ay ku sugnaayeen Sirdoonada Dowlada Soomaaliya islamarkaana ay halkaasi ku geeriyoodeen Dad katirsanaa sida ay sheegeen ciidamada Dowladda.
Inta sida Rasmigaa loo xaqiijiyay waxa ay Gaarayaan Dadkii kugeeriyooday ilaa 14-ruux Seddax kamid ah Waa Wariyaal caan ka ahaa Magaalada Muqdisho halka uu dhaawac ka soogaaray ilaa 20-ruux oo ay Shankamid yihiin Wariyaal inkastoo wararka ay sheegayaan in tirade ay intaasikabadan tahay.
Hadaba kooxda Al-Shabaab sitoos ah u masheeganin waxaana ay sheegeen in ay fuliyeen weerarkaasi dad taageersan kooxda Al-Shabaab sida uu u sheegay Cali Dheere Wakaalada wararka ee AFP.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com