Friday September 21, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Allaha u Naxariistee Dadku ku Geeriyooday Qaraxyadii xalay ka dhacay Xarunta Hooyooyinka Xamarweyne oo ay ku jiraan koox Wariyaal ah oo ka Howlgali jiray Magaalada Muqdisho ayaa waxa lagu wadaa in Maanta lagu aaso Magaalada Muqdisho.
C/rashiid Deel oo kamid ah Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed oo u waramay Warbaahinta Risaala ayaa waxa uu ka Warbixayay qaabka loo aasayo iyo tacsida ay Dirayaan Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeedee NUSOJ.

Waxa uu sheegay in Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay aad uga Tiiraanyeeysan yihiin Dhamaan Dadkii Ku dhintay Qaraxyadaasi Dadka badani ay ku dhinteen .

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Wariyaashii ku dhintay Qaraxyadaasi maanta la aasi doono isagoona uga Tacsiyeeyay Ehelladii iyo Asxaabtii ay ka Geeriyoodeen Wariyaashaasi iyo Dadkii Shacabka ahaa ee ku Geeriyooday Qarixii xalay maqrib ka dhacay Guriga Hooyooyinka Xamarweyne.

Laba Ruux oo isku soo rakibay Waxyaabaha Qarxa aya xalay Maqribkii waxaa ay Weerer Ismiidaamin ah ka geysteen goob Maqaaxi ah oo ay Dadku ku Shaahaan oo kutaal Guriga Hooyooyinka ee Degmada Xamarweyne waxaana qaraxaasi ku dhintay Shacad aad u badan iyo wariyaal caan ka ahaa Muqdisho.

Inaa lilaah wa inaa ileyhi raajicuun


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA