Friday September 21, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ra’isul Wasaraha Waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay goob lugu Shaaho oo kutaal Guriga Hooyooyinka ee Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

C/wali Maxamed Cali Gaas Ra’Isul Wasaaraha Xukuumadda Waqtigeedu Dhamaaday oo maanta Shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxyadii ka dhacay Degmada Xamarweyne kaas oo ay ku dhinteen 14 Ruux halka in kabadanna ay ku dhaawacmeen.

Waxaa uu u Tacsiyeeyay dhamaan Dadkii ku dhintay Qaraxyadaasi isagoona sheegay in Wariyaashii halkaasi ku dhintay ay ahaayeen Kuwo u shaqeyn jiray Dadka Soomaaliyeed sida uu tilmaamay.

Ra’isul Wasaaraha waxaa uu soo hadal qaaday in maanta uu ka Amba bixi doono Magaalada Muqdisho isagoo kusii jeeda Magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka Halkaasi oo uu sheegay in uu kaga qeyb b galayo shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobey .

Waxaana uu sheegya in Shirkaasi uu u matalyo Dowladda Soomaaliya sida uu sheegay Mr; C/wali Gaas Ra’isul Wasaaraha Waqtigiisu uu dhamaaday ee Soomaaliya.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo xalay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho uu ka dhacay Weeraro is xig xigay oo Ismiidaamin ahaa oo Galaaftay Nolosha Dad badan oo ay ku jiraan Wariyaal caan ka ahaa Muqdisho kaasi oo ka dhacay Guriga Hooyooyinka ee Degmada Xamarweyne.






.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA