Friday September 21, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
War kasoo baxay kooxda Manchester United ayaa waxaa lagu shaaciyay dhamaan Ciyaaryahanada United inay gacan qaadi doonaan Ciyaaryahanka Liverpool Luis Suarez.War kasoo baxay kooxda Manchester United ayaa waxaa lagu shaaciyay dhamaan Ciyaaryahanada United inay gacan qaadi doonaan Ciyaaryahanka Liverpool Luis Suarez.

Todobaadkaan waxaa dhici doona kulan xiiso badan oo Colaad soo jiraan jirtay lagu dhamayn doono kaas oo u dhaxeeya Manchester United iyo Liverpool.

Wargayska Sun sida laga soo xiganayo Weeraryahanka Liverpool Suarez ayaa Octbertii hore waxaa la ganaaxay Sideed kulan markii lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay Patrice Evra.

Waxii kadambeeyay Luis Suarez ayaa diiday inuu gacan qaado ciyaaryahanka France ee Evra waana Colaad kala sii fogaysay Xiriirka labada koox u dhaxeeya.

Kulanka Sabtida waxaa uu ahaan doona Markii ugu horaysay ee Liverpool Siwayn ay ugu murugooto masiibadi Hillsborough oo sanadkii 1989 kii ay ku dhinteen in kabadan 96 qof.

United ayaa shaacisay in Sabtida ay si rasmi u muujin doonaan masiibadii soo martay kubada cagta England oo ay ku dhinteen taageerayaal badan.

Luis iyo Patric ayaa gacanta is gelin doona Todobaadkaan taas oo ka dhigan in lasoo afjarayo Colaada u dhaxaysa Liverpool iyo Manchester United.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA