Friday September 21, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
ka dib dibadbax loogu soo horjeedo Aflagaadadii Nabi Maxamed loo geystay Islamarkaana ka dhacay Dalka Bakistan ayaa la sheegayaa in uu ku geeriyooday Cameroman isagu ku howlanaa Duubista Dadka Dibadbaxa Dhigayay.
Arintaan dhimashada Cameromanka ayaa waxa ay Imaaneysaa Xili Dad Banaanbax dhigayay Ciidamada Police ee Caasimada Islaama Baad ay Rasaas ku fureen ka Dibna halkaasi uu ku geeriyooday Camermanka,

isku dhacyo u dhaxeeya Ciidamada Polic-ka ah iyo Dad Dibadbaxyo dhigaya oo ka soo Horjeedo Filmkii Nabi Maxamed lagu aflagaadeynayay ayaa maanta waxa uu ka dhacay Dalka Bakistan gaar ahaan Caasimadeda Islamabad.

Bakistaan ayaa haatan Wajaheysa Banaanbaxyo Waaweyn oo ka dhan ah Safaaradda Mareynkanka ee ku yaal Dalkaasi Bakistaan.

Ciidamada Ammaanka ee Dalkaasi ayaa haatan heegan lagaliyay ka dib markii la qabay in Banaanbaxayaasha ay weerar ay ku qaadaan Safaaradaha Mareynkan kaasi oo la mid ahaa Weerarkii lagu Qaaday Dalka Liibiya ee lagu dilay Koristover Steven oo ahaa safiirkii Mareynkanka ee Liibiya fadhiyay iyo Seddex ka tirsan shaqaalaha Safaaradda oo dhashay Dalka Mareynkanka.

.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA