Friday September 21, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Golaha Amaanka ee Qaraamada Midowbay ayaa dalbaday in la Joojiyo Caruurta loo Adeegsanyo Dagaalada iyo Waxyaabaha kale ee Lidka ku ah Caruurta yar yar oo ku dhaqan Wadamada Caalamka Qaarkood oo ugu horeyso Soomaaliya oo inta badan loo isticaalo caruurta aan qaan gaarin in laga dhigo Maleeshiyo sida Warbixinta Golaha Amaanka ka soo baxday lagu sheegay.
Hadalka Qoraalka ee ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midowbay ee ku aadan in la Joojiyo caruurta Dagalaada loo Adeegsano iyo Waxyaabaha kale ee Anshax Xumada ku ah Caruurta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Caruur Fara badan ay Wadamada qaarkood ay Soomaliya Kow ka tahay loo iticmaalaa isku dhacyada Hubeysan iyo Caruurta Qaarkood oo aan waali diin lahayn kuwaasi oo ku dacayan Wadamada ay u baahan yihii Daryeel Asaasi ah.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midowbay ayaa tilmaamay in Wadamada qaar ay ku jiraan Sudaan.Yemen iyo Siiriya oo ay ku Nool yihiin Caruur Fara badan oo inta badan loo Adeegsado isku dhacyada Hubeysan isla markaan aan qaar gaar ahayn ayaa la sheegay in Wadaamadaasi Dhowr Jeer Mas'uuliyintooda lagala hadalay inay Joojiyaan Askareynta Caruurta kuna Booriyaan inay Waxbartaan oo la geeyo Goobaha wax lagu barto halkaasina lagu Xanaaneyo.

sidoo kale Warbixinta Qaramada Midowbay ee Golaha Amaanka ayaa lagu sheegay in Septenbertii aan ka soo Gadubnay in qursho cusub oo looga hortago dhibaatooyinka soo gaar Caruurta ay kala saxiixdeen Qaramada Midowbay xubno ka socda iyo Wadamada Africa qaarkood ay ka mid yihiin Soomaaliya.Koonfurta Suudaan iyo Mynmar.

Xakuumadii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya ayaa Qorshahii ugu horeysay ee lagu yareenayo dhibaatooyinka soo gaar Caruurta Saxiixday sida Warbixinta lagu sheegay


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA