Friday September 21, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Allaha u Naxariistee waxaa maanta Magaalada Muqdisho iyo duleedkeedaba lagu aasay Wariyaashii ku dhinta Weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee xalay Maqribkii lagu weeraray goob lagu shaaho oo kutaal Guriga Hooyooyinka ee Degmada Xamarweyne .
Wariyashan oo gaarayay ilaa iyo Seddax Wariye ayaa maanta Magaalada Muqdisho deegaanada ku dhaw dhaw si gooni gooni ah loogu aasay iyadoona aaska Wariyaashaasi ay ka soo qeyb galeen Mas,uuliyiin Ka Tirsan Dowladda iyo sidoo kale Shacab aad u badan .


Wariyaashan ayaa waxaa lagu kala aasay gobo kala duwan sida

C/raxmaan Yaasiin Agaasimihii VOD Radio-Xamar oo isagu lagu aasay Deegaanka km 13 ama Dareedisho , Liibaan Cali Nuur oo isna lagu aasay Jaziira halka C/sataar Daahir Sabriye isna lagu aasay Gudaha Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho .

Aabaha Dhalay C/sartaar Daahir Sabriye ayaa Saxaafadda waxaa uu uga Warbixiyayy Dabeecaddii uu lahaa Wiilkiisa waxaana uu sheegay in c/Sataar uu ahaa wiil Wanaagsan waxaana uu sheegay in uu ilaah kaga baryayo in uu Naxariitii janno ka Waraabiyo

Wariyaashan ayaa dhamaan waxaa ay ku Geeriyoodeen Weerarro Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay goob lagu Shaaho oo ku taal Guriga Hooyooyinka Xamarweyne



 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA