Iyadoo xalay ay ka dheceen Magaalada Muqdisho Qaraxyo Ismiidaamin ah ayaa waxaa jiray qaso badan ay geeysteen Qaraxyadaasi waxaana ku dhintay Suxufiyiin Caanka ah Muqdisho kuwa kala ay haatan lagu Baxnaaninayo Isbitaalada Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. Mar aan gaarnay maanta Isbitaalka Madiina ayaa waxa aynu kula kulanay Bukaanno badan oo Jiifay isbitaalka waxaana Isbitaalka Gudihiisa kula kulanay Agaasimaha Isbitaalka Madiina Maxamed Yuusuf isagoona ka warbixayay inta Bukaan ee la soo Gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.
Waxaa uu sheegay in Meydadka ay Gaarayaan ilaa 6 kuwaasi oo Laba kamid ah ay Geeriyoodeen kadib markii la keenay Isbitaalka Halka Afarta kala Isbitaalka la soo Gaarsiiyay iyagoo meyd ah.
Sidoo akle waxaa isna halkaasi ka hadlay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Waqtigeedu Dhamaaday C/casiis Sheikh Yuusuf waxaana uu ka warbiyayay tirada Guud ee Dadkii ku waxyeelobay Qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Guriga Hooyooyinka Muqdisho isagoona sheegay in ay gaarayaan ku dhawaad 26 Ruux .
Waxa uu sheegay in wali aan la sheegi Karin Qasaaraha Dhabtaa ah ee Qaraxa balse waxaa uu sheegay in arintaani ay Kala kaashanayaan Xarumaha Caafimaadka ee Magalada.
Dhawaan ayey aheyd markii Qarax Ismiidaamin ah lagu qaaday Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho kaasi oo uu xilligaasi Daganaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya .
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com