Iyadoo dhawaan qaraxyo khasaare geestay ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho ayaa Ururka Ahlusuna waxa ay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen in la adkeeyo ammaanka magaalada Muqdisho.
Sheekh C/risaaq oo kamid ah masuuuliyiinta Ururka Ahlusuna ee Gobalada Dhexe ee dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in dowladda Sooomaaliya looga baahan yahay feejignaan dheeri ah in loo yeesho ammaanka Muqdisho.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay hogaanka Nabadsugida dalka Soomaaliya in loo magacaabo shaqsiyaad karti leh oo xaqiijin kara ammaanka caasimada Dalka.
Sidoo kale Sheekh Maxamed Yuusuf Fareey oo ka tirsan Ahlusuna Gobalada Dhexe ee dalka ayaa dhankiisa wuxuu ugu baaqay in dowladda cusub ee Soomaaliya looga baahan yahay inta ay ka hana qaadeyso inay adkeyso ammaanka dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn wuxuu ka codsaday dowladda Soomaaliya inay muhiimada koowaad siiso dhanka ammaanka si loo xaqiijiyo.
Tan iyo markii dowladda cusub ee dalka Soomaaliya lasoo dhisay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay labo qaraxyo oo ismiidaamin ah oo ay fuliyeen kooxo naftood hurayaal ah.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com