Wararka ka imaanaya Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM saaka ay udhaqaaqeen dhanka Magaalada Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Dad ku sugan Deegaanka Qalimoow ayaa usheegay Risaala in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiidka dagaalka ay saaka dhaafeen magaalada Qalimoow kuwaasi oo dhanka Jowhar ujiheestay.
Sidoo kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay wataan taangiyada dagaalka iyo sidoo kale gaadiid badan oo dagaalka iyaga oo ujeedkooda uu yahay qabsashada Magaalada Jowhar.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa lasoo sheegayaa inay ku sugan yihiin deegaano udhaw Magaalada Jowhar ee Gobalka Shabeelah Dhexe.
Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Risaala.net
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com