Saturday September 22, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Waa hubanti in sanadkaan uu yahay mid la waayey dad indho iyo iftiin saxaafada u’ahaa waxaana soo batay eray micnihiisu maalmo kooban yahay kaasi oo ah Cambaareyn kuna xiran kaliya inta la hadal hayo qofka dhintay.

Saxafiyiinta oo ah laf dhabar u adeega shacabka Soomaaliyeed ugudbiya wararka dalka iyo dibada kuwii ugu dambeeyay ma helin taageeradii ay ka mudnaayeen xitaa shacabka waayo waxa kaliya ee loo qabto waa inay helaan xog dhameystiran maxayse ugu badaleen?

Soomaaliya wixii ka dambeeyey 2007-dii kadib bilowgii ugaarsiga suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa baal mugdi ah galay bahda warbaahinta xorta ah waxaana maalin qura la dilay 11-Augusto 2007 shan sano iyo afar bilood ka hor Mahad Axmed Cilmi iyo Agaasimihii Horn Afriik Cali Iimaan Sharma’arke.

Waqtigaasi waxii ka dambeeyey wariyeyaasha Soomaalida waxay ahaayeen kuwo ku shaqeynayey Xaalad ka cabsi badan waddamada Ciraaq,Afghanistaan iyo Siiriya oo Dagaalo Sida Soomaaliya Labadii sano ee lasoo dhaafay iyagana uga dhacayeen.

C/rashiid Deel oo ah xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaliyeed ee Nusoj oo Lahadlay Idaacada Risaala ayaa sheegay in mar walbo oo isbadal waddanka uu galayo sidaan oo kale dilalka suxufiyiinta la joogteeyey sanadkaan kaliyana la dilay 13 saxafi.

C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo isna la hadlay Warbaahinta Risaala ayaa ku dheeraaday isbadalka warbaahinta Soomaalida ku talaabsatay sanad iyo bar gudaheed sida uu sheegayna taasi horseeday markii Shabaab laga saaray Muqdisho.

Xog-hayaha Nusoj C/rashiid Deel ayaa sheegay inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin saxafiyiinta hamigooda ahaa inay mihnada Saxaafada soo galaan dilalka iyo beegsiga lagu haayo warfidiyeenka taa badalkeedana ku dhiirigeliyay bahda saxaafada inay sii laba jibaaraan ushaqeynta shacabkooda Soomaaliyeed.

Waa dhab in saxaafada tabin jirtay ilaa iminkana badankood baahiyaan wararka dheelitiran dhex dhexaad iyo kala jecleysi ku jirin taa oo loo marayey shuruuc saxaafadeedka adduunka looga wada dhaqmo.

C/Raxmaan Yuusuf Al Cadaala ayaa qaba fikrad lagu qaldamay in Ururka Al-Shabaab lala bar bar dhigo maamul wararkoodana la qaato waxaana uu sheegay in buun buuninta saxaafada awgeed sababtay in magaca shabaab kor uqaadmaan.

C/raxmaan Al cadaala ayaa ka codsaday hogaanka maamulada Idaacadaha Muqdisho si isku mid ahna kaga dalbaday in laga soo horjeesto shabaab sida uu yiri.

Ugu dambeyn 2012 kaliya oo Bishii 9 aad aan kuguda jirno waxaa sababsaday gacanta kooxo hubeysan waqti iyo siyaabo kala duwan ha ufuliyaan dilkooda’e in waxa lagu soo koobay ay noqotay cambaareeyn ah in laga xun yahay wixii dhacay.

Walaalo bahda saxaafada aad ujeclaayeen ayaa lagu waayey qul qulatooyin ka dhacay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho laga soo bilaabo sanadkii 2007-dii,Mahad Axmed Cilmi,Siciid Tahliil Axmed Axmed,Bashiir Nuur geedi,Cali Iimaan Sharma’arke,Mukhtaar Maxamed Hiraabe iyo Asxaab kale waxay sababsadeen gacanta kooxo hubeysan allaha uwada naxariisto.

Cali Fareey,Xasan Cusmaan Cabdi Fantastic,Axmed Cadow Canshuur,C/salaam Xiis iyo Abuukar Kadaf intuba si bareer ah ayaa bistooladleey waxay ugu dileen Muqdisho waxaana qarax ka dhacay labo cisho ka hor naftoodii ku waayey saaxibo saxaafada meel weyn kaga yaalla sida C/raxmaan Yaasiin Agaasimihii VOD Codka Xamar,Liibaan Cali Nuur iyo Cabdi Sataar Daahir Sabriye iyadoo uurkutaaladaasi lala ilmeeynayey ayaa hadana 16-saacadood kadib isna la dilay Xasan Yuusf Absuge oo Radio Maanta ka mid ahaan jiray shaqaalaheeda……….Hadaba yaa xil ka saaran yahay xurmeynta iyo ilaalinta wariyeyaasha Somaliyeed?

W/D Wariye Xasan Cabdulaahi


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA