Dowlada Dalka Marekanka ayaa canbaareyn kulul dusha kaga tuurtay dadkii ka dambeeyay qaraxii maalin ka hor lala eegtay goob ay ku sugnaayeen wariyaal dhowr ah iyo waliba dil maalintii shalay ahaa Magaalada Muqdisho lagu dilay wariye u shaqeynayay Idaacadaha maxaliga ee ku yaala Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Safaarada Mareykanka ay ku leedahay dalka Kenya xafiiskeeda warqad qoraal ah oo ka soo baxday ayaa lagu sheegay in Mareykanka si weyn ay kaga xuntahay dilalka qorsheysan ee loo geysto wariyaasha iyadoo ugu danbeysay labadii maalin aynu soo dhaafnay wariyaal dhowr ah la dilay ayaa qoraalka lagu sheegay.waxaynu Mareykanka tacsi u diray dhamaan dadkii ku geeriyooday ehaladooda.
Mareykanka ayaa sheegay in waxii dhacay maalintii khamiista ee rag naftood hurayaal ah ay ku galeen goob maqaaxi ah ay ku sugnaayeen wariyaal iyo dad shacab ah ay tahay mid waxuushnimo ah islamarkaana aan loo baahneyn in la dabar gooyo indhayr garadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Mareykanka ayaa tilmaamay in maalintii shalay ugu danbeysay la qaarajiyay wariye ka howlgalayay warbaahinta Radio Maanta oo ku taala magaalada Muqdisho kaaso la dilay isagoo ku howlan howlahiisa shaqo.
Warqada qoraalka ee ka soo baxday xafiiska safaarada Mareykanka ee Kenya waxaa lagu sheegay in sanadihii danbe ay kordheen dilalka qorsheysan ee loo geysanayo saxafiyiinta taasi ay ku tilmaameen inay ka danbeeyaan dad waxmagarada ah.
Hadalka canbaareynta ee ka soo baxay Mareykanka ayaa imaanaya iyadoo labadii maalin aynu ka soo gudubnay wariyaal dhowr ah la dilay halka kuwo ay dhaawacan yihiin kuwaasi oo ku jira cisbitaalada magaalada Muqdisho.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com