Saturday September 22, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Taliska ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay ciidamo ka socda dowladda Jabuuti ee howlgalka AMISOM qeybta ka ah oo maanta gaaray Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan.


Afhayeenka ciidamada AMISOM Korneyl Cali Aadan Xumad oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ciidamada ka socda Dowladda Jabuuti ay gaareen Baledweyne.

Wuxuu sheegay in tirada ciidamada gaaray Magaalada Beladweyne ay yihiin ilaa saddex boqol kuwaasi oo ku biiriya ciidamo Jabuutiyaan ah oo horay ugu sugnaa Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Afhayeenka ayaa sidoo kale wuxuu ku sheegay wareysiga uu siiyay Idaacada Risaala in ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti marka lasoo dhameestiro tiradii loogu talo galay ay la wareegayaan guud ahaan Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan.

Cali Aadan Xumad ayaa ka gaabsaday goorta rasmi ahaan loosoo dhameestirayo ciidamada Jabuutiyaanka iyo xilliga ay kala wareegayaan gacan ku haynta magaalada Baledweyne ee Gobalka Hiiraan ciidamada Ethopianka ah.

Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA