Saturday September 22, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kusii siqayaan Degmada Jowhar ee Gobalkaasi.


Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay iminka ku sugan yihiin deegaanka Booroow oo qiyaastii 17-KM ujirta dhanka koonfureed ee Magaalda Jowhar.

Ciidamada ayaa lasoo sheegayaa in sidoo kale ay ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo Garsaale oo ay ku sugan yihiin.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa inoo suura galin inaan qadka tilifoonka ku helno si aan wax uga weeydiino dhaqdhaqaaqa ciidan.

Xaalada Magaalada Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa kacsan waxaana dadku ay yihiin kuwa udhag taagaya hadba sida xaalada ay tahay.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA